Abwaan Cabdillaahi Macallin Dhoodaan: Rukun Ka Baxay Hal-Abuurka Soomaaliyeed

Alle ha u naxariistii Hal-abuurkii weynaa ee Soomaaliyeed Marxuum Abwaan Cabdillaahi Macallin Axmed (Dhoodaan), ayaa shalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Herer ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu xaalad caafimaad u yaallay.

Rabbi Naxariistii Janno haka waraabiyo ee Marxuum Cabdillaahi Macallin Dhoodaan ayaa ka mid ahaa Rukunnada Hal-abuurka Soomaaliyeed ee Curiyey, Gabayo, Geeraarro, Heeso, Gabay-Jacbur iyo Maansooyin iyo qaybo kale oo Fanka Soomaalida ka mid ah. Allaah ha u naxariistee waxa uu Marxuumku shalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Herer, waxaana Axadda Berri lagu aasi doonaa haddii Illaahay yidhaado magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Killalka shanaad. Waxaana Aaskiisa Guddi qaban-qaabo u magacawday dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Marxuum Abwaan Dhoodaan, ayaa ahaa Nin Gabaydiisa aad loo xiiseeyn jirey, gaar ahaan waqtiyadii 1978- waqtigaasi oo uu ahaa Raggii Suugaanta ku dhalliili jiray Xukunkii kelitaliska ahaa ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre. Waxaanu Abwaan Dhoodaan ahaa Raggii Mucaaridka ku ahaa xukunkaas laga bilaabo 1978 , waxaanu ahaa Raggii mucaaridnimada u banbaxey.

Waxa uu Marxuumku Gabayo ka soo saari jiray Idaacaddii codka shacabka Soomaalida Itoobiya oo uu gacanta uu ku hayey Taliskii Itoobiya waqtigaa ka jiray ee uu hoggaaminayey Madaxweynihii dalkaas Mingiste Hailemarium. Taasoo ku taallay xarunta dalkaas ee Addis-ababa, meeshaasi oo gabayo badan oo uu ku weeraraayo Muxamed Siyaad Barre iyo Xukunkiisii uu ka soo jeedin jirey.

Sida laga soo xigtay wareysi lala yeeshey Alle ha u naxariistee Abwaan Dhoodaan waxa uu sheegay in uu dhashey(1941), waxaanu ku dhashey meesha la yidhaado Wardheer Miyigeeda. Waxaanu sheegey in uu Gabeyga bilaabey isgoo jiray(16) sanno oo kaliya , waxaa xasuus mudan in ” cabdullahi macalin dhoodaan” aan aabahii iyo hooyadii ama ehelkiisa aaney gabeyga hido u laheyn amse aaney gabyi jirin balse uu isga ilaahey xigmad u siiyey hal-abuurnimada.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ku hadlaya Afka shacabka iyo qaranka Somaliland, ayaa War qoraal ah oo uu xalay ka soo saaray geerida Marxuumka kaga hadlay doorka uu Marxuum Dhoodaan ku lahaa Fanka iyo Hal-abuurnimada Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu ahaa Rukun ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bahda Suugaanta Soomaalida.

Wasiir Cukuse waxa uu qoraalkaa Tacsi ugu diray qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, shacabka Soomaalida Itoobiya iyo Bahda Fanka Soomaaliyeed ee uu ka baxay oo uu Illaahay uga beryey inuu Samior iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo Marxuum Abwaan Cabdillaahi Macallin Axmed (Dhoodaan), waxaanu Illaahay Marxuumka uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.

Suugaanta Dhaxal-galka ah ee uu Marxuum Abwaan Cabdiilaahi Macalin Dhoodaan Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyee uu ummadda Soomaaliyeed uga tagay waxa ka mid ah Gabaygan oo la yidhaahdo Alla-tuug oo uu Marxuumnku tiriyey 1974-kii, kaasoo uu ummadda Soomaaliyeed Illaahay ugaga beryayo inuu khayrka ku soo dabbaalo, kana saaro cudurrada, qabyaaladda, qaadka iyo fasahaadka. Waana kan Gabaygaasi ee nala dhugta:

Boqoroow Allahayoow adaa, baaqiyoo jira e
Bari iyo adigaanay Galbeed, kula balaadhnayne
Sawaariikhda adigaan ka baqin, oo iska soo baxa e
Adaanay bir orod dheer ku helin, amase baabuure
Baylood cirkaa mari adaan, buur ka hoos galine
Adigaa wixii aad burburin, berina joogayne
Baryadayda ii yeel adaan, kuu bandhigayaaye

Barashada cilmiga diinta yaan, baafiyaa waliye
Masaladii la baadhoo dhan baan, baal ka taagnahaye
In aad diinta ii badisid baan, kaa baryahayaaye

Nin waliba bilaadiisa wuu, barako maalaaye
Baradaydii gaal baa fadhiya, buuran tabartaye
Mana badheedhi karoo ninkaa, baaqsadaan ahaye
Inaad iga bixisaan rabaa, oon kaa baryahayaaye

Boqollaal rag oo wada fadhiya, badhaha suugyaasha
Oo turubka baandhayn hayoo, adigu ii baaq leh
Oon baabka waysiyo salaad, boqonta maydhaynin
Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye
Umad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye??

Bangi lacag ah geel badan rag loo, adhigu uu buuxo
Oo aanay baahiyi haynoo lo’dii, bowdka miranayso
Oon bakhaylnimo sakada, barina dhiibaynin
Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye
Ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye

Xeroow aan bilowgii cilmiga, baran kitaabkiisa
Oo imaamyadii wada billaa, balah u sheegeeya
Isaguna inuu baastar yahay, baabka lagu sheegye
Barqankaa inaad bi’isid baan, kaa baryahayaaye

Barbaar aan cibaada Alliyo, Boqor adeecaynin
Oo baarka siinaay kalkii, bal u budlinaaya??
Oo buuri nuugoo ilkaha, dabarku uu buuxshay
Inay bohosha naar galahayaan, baabka lagu sheegye
Dhallin aan ibliis bi’inin baan, kaa baryahayaaye

Bogga kale haweenkiyo haddaan, baal kale u leexdo
Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo, ku buuraanin
Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene
Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba’aysaaye
Boggaa qaawan bowdada cad iyo, naaska badhidiisa
Barta xaluska kaga taala iyo, bari dabkii gaadhay
Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye
Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye

Beeshii haddii aan wada marayoon, baal walba u eegay
Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil, baalka mariyaaba
In halaag kusoo beegan yahay, baabka lagu sheegye
Bulsho kheyrka wada raadisaan, kaa baryahayaaye
Amii

Advertisements

Magacyada dad dunida caan ka ah oo mushaharkoodu sannadkii 1 dollar yahay

Berberanews-Qormadani waa qaybtii 3aad ee aynu kaga waramaynay dadka iyagu iskood u go’aansaday in shaqada ay hayaan ay ku qaataan Sannadkii Hal doolar, kuwaas oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, “Dollar-a-year men” iyo xikmadda ku jirta:

  1. Walter Percy Chrysler: Waxa uuu ahaa maalqabeen u dhashay dalka Maraykanka oo noolaa intii u dhaxaysay 1875kii – 1940kii, waxa aanu ahaa ninkii iska lahaa fikirkii iyo hantidii lagu aas-aasay shirkadda Chrysler Group oo ka mid ah saddexda shirkadood ee Maraykanka ugu waaweyn ee soo saara baabuurta. Shirkaddan oo la aas-aasay sannadkii 1925kii ayaa sannadkan 2014ka noqotay shirkadda toddobaad ee dunida oo dhan ugu weyn soo saaridda baabuurta. Walter Chrysler muddadii uu madaxda ka ahaa shirkaddan Chrysler waxa uu mushaharkiisu ahaa ! doolar sannadkii.
  2. Steve Jobs: Waxa uu ahaa maal-gashade iyo aqoon-yahan ku xeel dheer suuq-geynta ganacsiga oo isaga iyo saaxiibkii ay ikhtiraaceen shirkadda dhinaca tiknoolajiyadda caanka ku ah ee Apple, isla markaana ahaa guddoomiyaha iy oagaasimaha fulinta ee shirkadda. Steve Jobs oo ay iska dhaleen aabo Carab reer Suuriya ah iyo hooyo u dhalatay dalka Maraykanak oo xidhiidh ku dhex maray jaamacad ku taalla dalka Maraykanku waxa uu dhashay 1974kii isaga oo 56 jir ah ayaanu geeriyooday sannadkii 2011ka.

Steve Jobs oo magaca aabihii ee saxda ahi uu ahaa Cabdalfataax Jandal muddadii dheerayd ee uu shirkadda Apple agaasimaha fulinta ka ahaa waxa uu mushahar ahaan sannadkii u qaadanayey Hal doolar.

  1. Richard Kinder: Waa ganacsade Maraykan ah oo dhashay sannadkii 1944kii, waa agaasimaha fulinta iyo guddoomiyaha golaha sare ee shirkadda Kinder Morgan oo ka ganacsata Gas ka iyo tamarta ahna shirkadda afaraad ee ugu ballaadhan woqooyiga Ameerika ee ka ganacsiga tamarta. Richard Kinder oo shirkaddan aas-aasay isla markaana maareeye ka ahi muddadii uu shirkaddan ka shaqaynayey waxa uu mushahar u qaataa Hal Doolar sannadkii.

7. Larry Page: Ganacsade Maraykan ah oo dhashay sannadkii 1973kii, isaga iyo saaxiibkii Sergey Brin ayaa wada aas-aasay shirkadda caanka ah ee Google. Larry Page oo ah qofka 19naad ee dunida ugu maalqabeensan. Shirkadda Google oo uu ka shaqaynayey tan iyo aas-aaskeedii, waxa uu mushahar uga qaataa Hal doolar sannadkii. Sidoo kale Eric Schmidt oo isna ah ganacsade agaasimaha fulinta ka ah shirkadda Google ayaa sannadkii qaata Halkaa doolar ee mushaharka ah. La soco…

Xog ku saabsan Domain Name System (DNS)

Posted by: Cabdullaahi Sheikh Cabdi
Internet-ka waa silsilad kumbiyuutaro aad u badan oo isku xiran ujeedkuna yahay inay wadaagaan xog noqon karta qoraal, maqal ama muuqaal. Internet-ka wuxuu ku taagan yahay aasaasna u ah nidaamyo iyo borotokoolo badan oo sabab u ah wada shaqayn iyo is faham buuxa oo ka dhaxayso adeegyada faraha badan ee Internet-ka isticmaala.
Maadaama Internet-ka ay ku xiran yihiin dad (kumbiyuutaro) aad iyo aad u fara badan dhammaantoodna ay iswaydaarsanayaan xog waxaa la gartay in qof (kumbiyuutar) walba oo internet-ka kusoo xirmayo uu haysto cinwaan lagu garto isla markaana loogu soo hagaago. Cinwaankaa waxaa lagu magacaabaa Internet Protocol Address oo loosoo gaabiyo IP Address, wuxuuna laf dhabar u yahay hab shaqaynta internet-ka waxaana bixiyo shirkadaha khadadka internet-ka laga kiraysto.Cinwaanka IP oo laba nooc ah noociisa hadda loogu isticmaalka badan yahay wuxuu u qormaa saasaanta 111.111.111.111 , iyadoo ay muhiim tahay in la ogaado in booska aan aniga hadda halka ku qoray, tusaala ahaan, ay gali karto tira walba oo u dhaxayso 0-255 .
Hadaba dhammaan dadka (Kumbiyuutarada) iyo safxadaha ama website-yada aad arkaysid ee internet-ka ku jira waxay haystaan cinwaan u gaar ah oo IP ah, tusaala ahaan cinwaanka IP-ga ee google waa 74.125.79.102 , kan shirkadda microsoft waa 65.55.58.201 , waxaad tijaabisaa meesha aad http://www.google.com ku qori jirtay inaad 74.125.79.102 ku qortid ama meesha aad http://www.microsoft.com ku qori jirtay inaad 65.55.58.201 ku qartid, waxaad arki doontaa inaad website kooda toos u tagtid.
Banii aadamka abuur ahaan xifdinta magaca iyo tirooyinka waxaa wax badan u fudud xifdinta magaca, bal ka waran haddii lagu dhihi lahaa mar walba oo aad safxad booqanaysid waxaad qortaa cinwaanka IP-ga oo tirooyinkaa badan ka koobma, waxaa iska cad inay aad iyo aad u adkaan lahayd.
Waxaan filayaa hadda hordhacaa ka dib inay fudud tahay fahamka waxa uu yahay amaba ahmiyadda uu leeyahay nidaamka DNS-ka. Domain Name System oo loosoo gaabiyo DNS, waa nidaamka isku turjumo cinwaanka magacyada ah iyo kuwa tirooyinka ah. Waxaad soo ogaatay in asalka cinwaanada internet-ka (IP) ay yihiin tirooyin, marka nidaamka DNS wuxuu inoo suurto galiyay in cinwaan walba oo IP ah lagu ku lifaaqo mid magac ah si xifdintiisu ay u fududaato, taana waxay ka dhigan tahay inaad bogga ku booqan kartid cinwaanka IP-ga iyo kan magaca ah oo loo yaqaano Domain name.
Malaha tusaalaha ugu fiican ee DNS lagu bixin karo waa buug telefoon ahaan. Buuga telefoonka waxaa lagu yaqaan inuu ka koobmo tirooyin oo ah nambarka telefoonka iyo magaca qofka narmbarkaa leh sababtoo ah saan horay usoo sheegnay bini aadamka way ku adag tahay xifdinta tirooyinka. Shaqada DNS-kana waa noocaas oo kale oo waa buug ama diiwaan aad u wayn oo ay ku urursan yihiin cinwaanada IP-ga iyo magacyada ama Domain names is leh.
Aduunka waxaa jiro malaayiin iyo malaayiin DNS servers ah laakiin waxa ugu caansan uguna wayn 13 servers oo lagu magaacaaabo Root Name Servers oo meela kala duwan oo aduunka ka mid ah yaalo gacantana ay ku hayaan shirkado kala duwan. Sadax iyo tobankaa Name servers waxaa la siiyay xarfaha u dhaxeeyo A ilaa M, halkii server-na waxaa hoos imaanayo kuwo kaloo aad u fara badan oo iyagana kusii xiran kuwo kaloo badan.
Qaabkuu u shaqeeyo waa marka uu kumbiyuutar(barnaamij) soo codsado cinwaan magac ah, tusaala ahaan google.com , shirkadda Internet-ka ku siisay DNS server-keeda ayaa isku dayayo inuu helo IP-ga Domain name-ka google.com, hadduu diiwaankiisa ka waayo, wuxuu codsi u gudbinayaa DNS server-ka kale ilaa iyo inta laga helo mid haayo IP-ga Domain name-ka lasoo codsaday, marka la helo waxaa dib loogu soo celiyaa barnaamijkii wax soo codsaday ka dibna wuxuu toos ula xiriiraa serverka uu website-ka yaalo isagoo adeegsanayo cinwaanka IP-ga, xusuusnoow in cinwaanka IP-ga uu yahay aasaaska lagu wada xiriiro internet-kana uusan la’aantiis shaqayn karin, magacyada Domain Name-kana ay yihiin adeeg hawl fudeedin ah, kaliya waxaad ka maarmi kartaa haddaad dhammaan cinwaanada IP address-ka website-yada aad booqatid kor ka wada qaban kartid oo tusaala ahaan meesha aad haddahttp://www.google.com ka qoraysid aad 74.125.79.102 qortid.MAR 28
Posted by Somali Programmers
Internet-ka waa silsilad kumbiyuutaro aad u badan oo isku xiran ujeedkuna yahay inay wadaagaan xog noqon karta qoraal, maqal ama muuqaal. Internet-ka wuxuu ku taagan yahay aasaasna u ah nidaamyo iyo borotokoolo badan oo sabab u ah wada shaqayn iyo is faham buuxa oo ka dhaxayso adeegyada faraha badan ee Internet-ka isticmaala.
Maadaama Internet-ka ay ku xiran yihiin dad (kumbiyuutaro) aad iyo aad u fara badan dhammaantoodna ay iswaydaarsanayaan xog waxaa la gartay in qof (kumbiyuutar) walba oo internet-ka kusoo xirmayo uu haysto cinwaan lagu garto isla markaana loogu soo hagaago. Cinwaankaa waxaa lagu magacaabaa Internet Protocol Address oo loosoo gaabiyo IP Address, wuxuuna laf dhabar u yahay hab shaqaynta internet-ka waxaana bixiyo shirkadaha khadadka internet-ka laga kiraysto.Cinwaanka IP oo laba nooc ah noociisa hadda loogu isticmaalka badan yahay wuxuu u qormaa saasaanta 111.111.111.111 , iyadoo ay muhiim tahay in la ogaado in booska aan aniga hadda halka ku qoray, tusaala ahaan, ay gali karto tira walba oo u dhaxayso 0-255 .
Hadaba dhammaan dadka (Kumbiyuutarada) iyo safxadaha ama website-yada aad arkaysid ee internet-ka ku jira waxay haystaan cinwaan u gaar ah oo IP ah, tusaala ahaan cinwaanka IP-ga ee google waa 74.125.79.102 , kan shirkadda microsoft waa 65.55.58.201 , waxaad tijaabisaa meesha aad http://www.google.com ku qori jirtay inaad 74.125.79.102 ku qortid ama meesha aad http://www.microsoft.com ku qori jirtay inaad 65.55.58.201 ku qartid, waxaad arki doontaa inaad website kooda toos u tagtid.
Banii aadamka abuur ahaan xifdinta magaca iyo tirooyinka waxaa wax badan u fudud xifdinta magaca, bal ka waran haddii lagu dhihi lahaa mar walba oo aad safxad booqanaysid waxaad qortaa cinwaanka IP-ga oo tirooyinkaa badan ka koobma, waxaa iska cad inay aad iyo aad u adkaan lahayd.
Waxaan filayaa hadda hordhacaa ka dib inay fudud tahay fahamka waxa uu yahay amaba ahmiyadda uu leeyahay nidaamka DNS-ka. Domain Name System oo loosoo gaabiyo DNS, waa nidaamka isku turjumo cinwaanka magacyada ah iyo kuwa tirooyinka ah. Waxaad soo ogaatay in asalka cinwaanada internet-ka (IP) ay yihiin tirooyin, marka nidaamka DNS wuxuu inoo suurto galiyay in cinwaan walba oo IP ah lagu ku lifaaqo mid magac ah si xifdintiisu ay u fududaato, taana waxay ka dhigan tahay inaad bogga ku booqan kartid cinwaanka IP-ga iyo kan magaca ah oo loo yaqaano Domain name.
Malaha tusaalaha ugu fiican ee DNS lagu bixin karo waa buug telefoon ahaan. Buuga telefoonka waxaa lagu yaqaan inuu ka koobmo tirooyin oo ah nambarka telefoonka iyo magaca qofka narmbarkaa leh sababtoo ah saan horay usoo sheegnay bini aadamka way ku adag tahay xifdinta tirooyinka. Shaqada DNS-kana waa noocaas oo kale oo waa buug ama diiwaan aad u wayn oo ay ku urursan yihiin cinwaanada IP-ga iyo magacyada ama Domain names is leh.
Aduunka waxaa jiro malaayiin iyo malaayiin DNS servers ah laakiin waxa ugu caansan uguna wayn 13 servers oo lagu magaacaaabo Root Name Servers oo meela kala duwan oo aduunka ka mid ah yaalo gacantana ay ku hayaan shirkado kala duwan. Sadax iyo tobankaa Name servers waxaa la siiyay xarfaha u dhaxeeyo A ilaa M, halkii server-na waxaa hoos imaanayo kuwo kaloo aad u fara badan oo iyagana kusii xiran kuwo kaloo badan.
Qaabkuu u shaqeeyo waa marka uu kumbiyuutar(barnaamij) soo codsado cinwaan magac ah, tusaala ahaan google.com , shirkadda Internet-ka ku siisay DNS server-keeda ayaa isku dayayo inuu helo IP-ga Domain name-ka google.com, hadduu diiwaankiisa ka waayo, wuxuu codsi u gudbinayaa DNS server-ka kale ilaa iyo inta laga helo mid haayo IP-ga Domain name-ka lasoo codsaday, marka la helo waxaa dib loogu soo celiyaa barnaamijkii wax soo codsaday ka dibna wuxuu toos ula xiriiraa serverka uu website-ka yaalo isagoo adeegsanayo cinwaanka IP-ga, xusuusnoow in cinwaanka IP-ga uu yahay aasaaska lagu wada xiriiro internet-kana uusan la’aantiis shaqayn karin, magacyada Domain Name-kana ay yihiin adeeg hawl fudeedin ah, kaliya waxaad ka maarmi kartaa haddaad dhammaan cinwaanada IP address-ka website-yada aad booqatid kor ka wada qaban kartid oo tusaala ahaan meesha aad haddahttp://www.google.com ka qoraysid aad 74.125.79.102 qortid.

Importance of Business studies

Business activity affects the daily lives of all human as they work, spend, save, invest, travel, and play. It influences jobs, incomes, and opportunities for personal enterprise. Business has a significant effect on the standard of living and quality of life of human, and on the environment in which they live and which future generations will inherit.

 

Eventually, all students will encounter the world of business, whether they work in urban or rural areas.They must be prepared to engage in business activity with confidence and competence.Young people need to understand how business functions, the role it plays in our society, the opportunities it generates, the skills it requires, and the impact it can have on their own lives and on society, today and in the future.

 

This subject will build a strong foundation for those who wish to move on to further study and training in specialized areas such as management, international business, marketing, accounting, information and communication technology, or entrepreneurship. It will also provide practical skills for those who wish to move directly into the workplace. Engaging in the world of business involves studying individuals, communities, and organizations, assessing their needs and problems, and generating solutions.

 

Business studies provides students with a new, practical context for many of the subjects they studied at the elementary level, including mathematics, science and technology, language, and social studies. It helps students to recognize the relevance of these subjects as they are applied in the world of business – for example, in the study of individuals and diverse communities; in helping people with their needs, challenges, and problems; and in creating products and  services that help to improve the quality of life.

 

Business studies clearly demonstrates how a variety of areas of study can be combined in productive activity that affects the lives of millions of people. Courses in this discipline provide knowledge and skills that can help students make a successful transition to secondary education, training programs, and the workplace.

 

By Cabdullaahi  Sheikh Cabdi

Waxtarka Hooyo Macaan

Haddaan wax ka soo qaadanoo waxtarka Haweenka sida ay ugu tiirsan tahay nolosha aadanaha gaar ahaan haweenka soomaaliyeed,
Marka hore waa billowga qoyska iyo meesha ay ka asaasanto talaalka kowaad ee beerista aadanaha, sababtoo ah waxay sameysaa gurigii nolosha dhigta iyo udbaha hararka iyo dhambalaha ku xeyran dhammaan aqalka reerka ku jiro, waxay toshaa haamanka iyo dhiilaha toobtaha geela lagu maalo, gkeep-calm-and-love-hooyo-forever (1)ogosha jiifka oo ay u sameeyaan qaabab gooni ah oo aysan ka maqneyn farshaxanka iyo qurxinta si ay ugu seexdaan odayga reerka iyo dhammaan wixii marti ah ee soo qaabila reerka, waxay ood ku sameysaa ariga iyo waxaraha haddii uu odaygeedu shaqo ku maqan yahay, waxay dhinaceeda ka fashaa beerta waxsoosaarka dhexda intay marada ku xirato yaambadana qaadato,.
Intaa ka dib, waa mas’uul lagu aaminay gacan ku heyska qoyska iyo dhammaan maamulka hoose ee guriga, waxay talo ka bixisaa am aka kaalmeysaa maamulka saree e reerka, sida guurka iyo wada xaajoodka marka loo eego dhaqankeenna iyo qaabkii loo xididijiray, hannaaninta iyo diyaarinta goobaha lagu kulmayo, soo dhaweynta iyo marti soorka.
Waxaa kaloo ay muhiim u yihiin oo aan looga maarmeyn isdhexgalka bulshada maadaama in gobol laga guursado, gobolkalana ay u dhaqanto, sida maahmaahdani tilmaameyso (gabari tagbey leedahay ee tol maleh)
Taasoo looga jeedo iyadoo aan la inkiri Karin halka ay ku tarantay iyo halka loo guursaday iyo nasabkeedaba.
Sidaa darted haweenka waxay ahaayeen geed hoos leh oo lagu soo hirto, waxaa Iyana aan la iloobi Karin fulinta iyo habraaca talooyinka ka imaanaya odaygeeda taasoo lagu amaano ismaqalka wanaagsan ee hoggaaminta reerka, korinta iyo ilmaha iyo abaabinta wanaagsan.
sidaa daraadeed Magarbaa in hooyo abaalkeeda la dayaco?
ma garbaa in la dayaco abaalkeeda?
Bal nala Dhageysta Hooyo oo nala hadleysa.
• Gacalooy Hooyo
• Goor iyo Ayaan
• Ku gordaadiyoo
• Gooni kuu ahaa
• Maxaan geyiga sare
• Cadow soo galay iyo
• Ka ilaalshay guluf
• Gaashaanka iyo
• Gumac iyo rasaas
• Aawadaa guntaday
• Gacalooy Hooyo
• Gaar kaa ahaa
• Gacalooy maxaan
• Golxob iyo ableey
• Uguntaday dartaa
• Gacalooy maxaan
• Gaas ciidan iyo
• Kuu diyaarshay geesh
• Gacalooy maxaan
• Godobtaa nin qaba
• Aawadaa u ganay
• Guuraha habeen
• Gacalooy Hooyo
• Gobannimada jiray
• Gacalooy maxaan
• Geed dheer u koray
• Inaadan gacan kaleetiyo
• Aadan gelin maxmiyadoo
• Gobannimo ku nooshahay
• Gacalooy Hooyo
• Aawadaa gucleeyay
• Gumeysi inuu ku ciilo
• Maxaan geerida ka doortay
• Maxaan gacalooy dartaa
• Adiga kugu gaaf wareegay
• Maxaan gabaldhici iyo waa
• Gef iyo kuu diiday khalad
• maxaan godobtaada raagtay
• gidaarka maxaan u seexday
• calankaada guudkaada suran
• maxaa geesiyaal u go’ay
• gurboodka dhulkaada jooga
• shisheeye inuu gumaado
• maxaan gacalooy udiiday
• guriga raashinkii ka buuxay
• maxaan soo gaari waayay
• maxaan gogoshii wacneyd
• maxaan gebigeed ka tegay
• maxaan cidla gabax ku iri
• garaafo wixii I gaaray
• haddaan gobannimadii helay
• guullaa mahaddaa iska leh
• gacmaha in leyswada qabsado
• sow inaan isgargaarno maaha
• haddii geyigii xoroobay
• weliba guushii hantiyay
• sow inaan gogosha u dhigoo
• midnimo lagu gaaro maaha.

Taariikhdii dhalashada Nebigeenna Maxamed (Scw)

This slideshow requires JavaScript.

Nabigeenna Muxamed (Scw) waa nabigii ugu dambeeyay ee aadanaha loo soo diro.
Nebi Muxamed (Scw) wuxuu ku dhashay magaalada maka maalin isniin ah ee bisha rabiicul awal (Mowliid) ay tahay 12 sannadkii 570 dhalashadii Nebi Ciise (Cs) ka dib, sannadkaasi waxaa loo yiqiin Caamul fiil oo ah sannadkii maroodiyada, waxaana loogu magacaabay, sannadkaas waxaa kacbada ku soo duulay isagoo wata maroodiyaal nin la oran jiray abrahaam, oo wakiil uga ahaa yemen boqorkii xabashida, isagoo ka maseyray sida carabta ay u weyneynayaan kacbada balse ilaah ayaa ku diray shimbiro afka ku sita dhagxaan, halkaana ku halaagay sida naloogu caddeeyay suuratul fiil.
Nebi Muxamed (Scw) abtirkiisu waa Muxamed bin cabdullaahi bin cabdul mudhalib bin haashim bin cabdi manaaf bin qusay bin kilaab bin murra bin kacab bin nadar bin kanaan bin khuseyn bin mudrik bin ilyaas bin mudar bin nisaar bin mucaad bin cadnaan ilaa uu galo nebi ismaaciil bin nebi ibraahim (Cs).
Nebigeenna Muxamed (Scw) jilibka uu ka dhashay waxaa la oran jiray reer bini haashim waxaana loogu magac daray awoowgiis labaad haashim bin cabdi manaaf.
Haashim bin cabdi manaaf, wkuxuu ahaa nin magac weyn ku dhex lahaa reer maka, wuxuuna waraabin jiray xujeyda, oo aabihiis cabdi manaaf ka dhaxlay, wuxuu kaloo ahaa ninkii ugu horreeyay ee jideeyay ama billaabay labadii safar ee qureeshii ugu kala safri jirtay shaam iyo yemen ee suuratul qureesh lagu sheegay.
Haashim bin cabulmanaaf, wuxuu dhalay afar (4) wiil oo kala ahaa :
• Asad bin haashim
• Abu seyfi
• Nadle bin hashim &
• Cabdul mudhalib, oo ah nebi Muxamed (Scw) awoowgiis iyo shan (5) gabdhood oo kala ah:-
• Sharaf bintu haashim
• Khalida bintu haashim
• Ruqiya bintu haashim
• Junna bintu haashim
• Daciifa bintu haashim.
Waxaana sagaalkooda ugu yaraa cabdimudhalib bin haashim, oo ah Nebigeenna (Scw) awoowgiis.
Cabdulmudhalib, wuxuu dhalay toban wiil (10) iyo lix (Lix) gabdhood, waxaana tobanka wiil la kala oran jiray:-
• Xaarith bin cabdi mukdhalib
• Subeyr bin cabdimudhalib
• Abuu dhaalib bin cabdimudhalib
• Cabdullaahi bin cabdimudhalib
• Safar bin cabdimudhalib
• Cabaas bin cabdimudhalib
• Xamsa bin cabdi mudhalib
• Abuu lahab bin cabdimudhalib
• Qiyidooq bin cabdimudhalib
• Muqawim bin cabdimudhalib.
Lixda Gabdhoodna waxaa lagu kala magacaabi jiray:-
• Safiya bintu cabdi mudhalib
• Arwa bintu cabdimudhalib
• Umu xakiim bintu cabdimudhalib
• Bara bintu cabdimudhalib
• Caatika bintu cabdimudhalib
• Umuayman bintu cabdimudhalib
Cabdimudhalib, wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureesh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odaygii qureesh wuxuuna leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan waxaana ka mid ah:
• Duulaankii abraha iyo qodaddii ceelka samsamka, kuwaasoo isaga iyo qoreyshba ilaah ugu gargaaray.
– qisadii duulaankii Abraha ku soo qaaday kacbada:
Abraha wuxuu ahaa nin xabashi ah oo yemen wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabi u weyneyneyso kacbada ugauna xajineyso sannad kasta, waxaa galay maseyr,markaasuu magaalada sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carabta ka jeediyo xajka iyo kacbada ay aadi jireen.
Arrintaa ayaa waxaa maqlay nin carbeed oo reer banukinaan ah, markaasuu inta tegay kaniisddii wasaqeeyay qibladeedii.
Abraha markuu arrintaa ogaaday wuu ka xanaaqay, wuxuuna go’aansaday in uu kacbada dumiyo.
Abraha, wuxuu soo kaxeystay ciidan gaaraya 60,000 Askari oo wata ilaa 13 maroodi oo maroodigii ugu weynaa uu isagu saran yahay.
Abraha iyo ciidankiisa waxay soo sodaanba markey maka ku soo dhewyihiin ayey geel cabdimudhalib lahaa qabsadeen, markaasaa cabdimudhalib ergo ugu tegay isagoo doonaya in geeliisii loo soo daayo.
Abraha wuxuu yiri “Kacbadiinna ayaan duminayaa adna geel baad dooneysaa” balse cabdimudhalib wuxuu ugu jawaabay “geela anigaa leh, kacbadana rabbi baa leh, isagaana kaa difaacanaya” Dabadeed abraha wuxuu yiri, haddii aydan ila dagaallamin Maka isaga baxa” qo reyshna sidii ayey yeeshay, geeliina sidaa ayaa loogu siidaayay cabdimudhalib, ka dib markuu abraha soo gaaray taagga xasar ee musdalifa iyo mina u dhaxeysa ayaa maroodigii istaagay, oo diiday in uu u dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka dhinaca kale loo jeediyana waa ordayaa.
Xaaladddu markay muddo sidaa ahayd, ayaa ilaah usoo diray shimbiro mid waliba wadato saddex dhagxaan, mid afka ay ku wadato labada kalena labada lugood ay ku wataan, waxayna ku ganeyn dhagxaantii, ninkii uu dhagaxaas ku dhacana wuu go’go’ayay oo wuu dhimanayay.
Dhagaxantu dadkii oo dhan kuma wada dhicin ee waxay ku dhaceen intii rabi u qadaray, intii kalena way carareen iyagoo isjiiraya, Ninkii abraha ahaa, isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegay Sanca, oo uu kudhintay.
Qureesh oo markii uu ciiidanku yimid ku cararay buuraha markay arkeen waxaa qabsaday abraha iyo ciidankiisii ayey guryahoodii ku soo laabteen, qisadani waxay dhacday sannadkii uu dhashay Rasuulka (Scw) waxaana loo bixiyay Caamul Fiil.

shaqo la’aani majito lkn waxaa jira shaqaale la’aan

Best-ways-make-money-online
Halkan waxan ku falqeyn doonaa goobaha sida dag daga ah fursada shaqo loogu heli karo iyo wadiiqada shaqa abuurid aad ku bilaabi karto, ama ganacsi cusub aad ku aasaasi kartid, fakir kadib na bilow
Shirkadaha xawaaladaha : Waa mellaha sida aad ka ah shaqooyinka iyo shaqo abuurid loogu heli karo;
Tussaale: Hadii aad joogtid meel ay ka jirin xawaalad waxaad si dhaqso ah ku bilaabi kartaa inaad magca xawaalda aad rabto inaad bilowdo,adiga oo sharuudaha ay raban marayo
Sarifka: Lacagaha qalaad.waa shaqo fudud meelkasto iyo waqti kasta waad bilaabi kartaa.
Shirkadaha telefoonada: waxaad ka heli kartaa fursado balaaran oo shaqo ah .
Tusaale: waxaad ku darsan kartaa share, shaqo waad ka raadsan kartaa . mushaar ka qaadaneysid service kooda waa iiibin kartaa.
Tusaale: waxad iibin kartaa kaararkooda ku hadalka waxaad sarifle ka noqon kartaa evc plus emaal adiga oo wax lacag badan u baahan ayad bilaabi karta shaqadan.
Hoteelada: maal mahan waxaa ka socdo shaqo badan fursad shaqo waa ka heli kartaa
Tusaale waxaad samen kartaa lodge yar ee dadka safarda ama ganacsatada magalo kale ka imaden si eey habeenadaas u sii dagaan.
Beeraha: waa taqaanaa sida beerta loo fasho. waa ka mid noqon kartaa beera leyda. ama maal gashi ayaad ku sameesan kartaa wax badan ayad soo sari doontaa insha allah.
Xooolaha la dhaqdo: waa laf dhabarka dhaqaale waad dhoofin karta waa dhaqan kartaa ganaacsi xoolaha aad ayuu suuuq u leyahay.
Kulumeysi: bada sida wax looga soo saarto baro .fadhi lama rabo tijaabo samey ,waxaad si lacag la aan ah u bilaabi kartaa kalumeysi, adiga oo u bahanin hanti wey ama lacag badan.
Suuqyada: si xowli ah ayee u balranayaana suuqyada qaar sida suuqa bakaaro. suuqa xamar weyne. suuq bacaad, iwm.
Tusaale: inaad shaqo ka raadsato ama ka biloowdo qof ka hortaagan malahan adiga ayaa iska maqan
Ugu dambeentii aad iyo aad ayee u badan yihiin goobaha shaqoyinka laga heli karo waxaa kaloo kamid ah shirkadaha ,sidaa darteeda waa inaad adigu fadhiga marka hore ka kacdaa.
Somali horey waxey ugu maahmahday, ” qofkaan quutkiisa hanan karin qaraarkiisa ma hanan karo!”